Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa caawa dib ugu laabtay dalkiisa, kadib safar shakhsi ah oo uu ku tagey dalka Faransiiska, sida ay baahisay Madaxtooyada Jabuuti.
Warka kasoo baxay xukuumadda Jabuuti ayaa kusoo beegmaya xilli ay xalay Warbaahintu tebisay in Madaxweyne Geelle xaalad caafimaad uu u jiifo cusbitaalka ku yaalla dalka Faransiiska.