• Privacy & Policy
  • Contact
11 °c
Columbus
Tuesday, May 20, 2025
  • Login
  • Register
KF MEDIA TV
No Result
View All Result
Live KF Media
  • Home
    • Sports
    • Explore More
  • NEWS
  • WAREYSIYO
  • TAARIIKH
    “C/raxmaan Cirro waa nin maanta ummadda(Somaliland)ee kala tagtay isku dooni kara”|Wareysi M.Mooge. By Khaalid Foodhaadhi

    “C/raxmaan Cirro waa nin maanta ummadda(Somaliland)ee kala tagtay isku dooni kara”|Wareysi M.Mooge. By Khaalid Foodhaadhi

  • ISLAAMKA
  • GEEDDIGA GUUSHA
  • More
  • Home
    • Sports
    • Explore More
  • NEWS
  • WAREYSIYO
  • TAARIIKH
    “C/raxmaan Cirro waa nin maanta ummadda(Somaliland)ee kala tagtay isku dooni kara”|Wareysi M.Mooge. By Khaalid Foodhaadhi

    “C/raxmaan Cirro waa nin maanta ummadda(Somaliland)ee kala tagtay isku dooni kara”|Wareysi M.Mooge. By Khaalid Foodhaadhi

  • ISLAAMKA
  • GEEDDIGA GUUSHA
  • More
No Result
View All Result
KF MEDIA TV
No Result
View All Result

Dabshidkii Dagalka: Qisada Kornayl J. Smythe – 1915-1996 W.Q: Maxamed Haaruun Biixi

kfmedia by kfmedia
1 week ago
in NEWS, NEWS
Reading Time: 9 mins read
0
Home NEWS
0
SHARES
3
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter
  • Qab baa rag isu geeyee markay, qaraxday baaruuddu;
  • Ninna lama qasbine waw qasdeen, inay qasaaraan.

Timacadde – bilowgii dagaalka.

  • Ninkii kibir-hawoodaba midbaa, xadhig ku keenayne;
  • Kurtin qiiqayaa labada dhinac, laga kulalaaye;
  • Konton mayl haddaa loo jiraa, karintii Baarliine

(Xassan-tarabbi – ku dhawaadka gebagabadii dagaalka)

Maalmahan waxa meelo badan oo dunida ah ka socda, gaar ahaan wadamada Yurubta Galbeed iyo Ruush ilaa Maraykan, xuska sideetan-guurada ee dagaalkii 2aad ee Dunida. Halbeeg kasta oo la gu eego, waxa uu ahaa dagaal aan noociisu abidkii dunida hore u ga dhicin. Waxaa ku haligmay todobaatameeyo malyuun dad gaadhaaya, oo ciidan iyo rayid ba leh, 25 malyuun oo ka mid ahi na Ruush ayay ahaayeen. Dagaalka reer Yurub inaka wax weyn baa inaga khuseeya, in aynu u dabbaal degnaa na waa innoo egtahay. Dagalkaasi waxa uu beddalay jihadii ay taariikhda dunidu u socotay. Waxa uu sabab u noqday, oo aan la’aantii dhacdeen, in isticmaarkii Yurub uu dunida ka soo dhamado. Faransiis iyo Ingiriis oo keliya is ku darkooda waxa ka xorroobay 110 waddan. Laba waddan oo keliya ayaa dunida badankeed gacanta ku hayay, ka na faaiidaysanaayay wixii khayraad ah ee ay umadahasi lahaayeen. Sidoo kale, labadan waddan wixii warshadahooda ka soo baxa ayay umadahaas u iib geyn jireen oo suuq xidhan u ahaa.

Maraykan oo dagaalka mar dambe soo galay, la’aantii na aan Jarmal la muquuniyeen, ayaa labadii isticmaar shardi ka ga dhigay in ay dagaalka ka dib, dadyowgii ay haysteen xorriyad siiyaan, waanay ku khasbanaadeen taas. Heshiiskii USA ay dagaalka ku soo gashay (The Atlantic Charter, August 1941) ayuu qodobkaasi ku qeexnaa. Haddii aanu dagaalkaasi dhicin, manta dunidu weji kale ayay lahaan lahayd, Afrika na ilaa hadda waxa ka talin lahaa ninka cad. Wadamada qaarkood oo Afrika u badan armay sidaasi ba u roonayd dood ah baa jirta. Si kastaba ha ahaatee, Maraykan laftiisu dan gaar ah ma u haynin dadyowga la gumaysto, dantiisa ayuu se sidaas ka dhex arkay. In uu soo yareeyo awooddii ay dunida ku lahaayeen labadan isticmaar, waxa ay jidka u furaysay in Ameerika ay dagaalka ka dib xoog kor u gu kacdo, waanay dhacday.

Si kastaba ha ahaatee, adduun waa war iyo sheegsheeg. Wax kasta oo dhaca, sheekooyin baa ka soo hadha. Sheekooyinka Dagaalkii 2aad wacdarahoodu ma aha kuwo sinaba micnahooda iyo danayntoodu u yaraan doonto. Malaha Dagaal 3aad oo dunida ka dahca uun baa Meesha ka saari kara. Dagaalkii 2aad waxa la gu sheegaa dagaalkii imbiraadooriyadaha (war of empires), si imbiraadooriyad cusubi lugaha u fidsato, oo dunida badhkeeda u qabsato na, waxa ay u baahnayd in ay mid kale xididada u siibto. Sababaha dagaalkan dabada ka waday taasi qayb weyn ayay ka ahayd. Markii dagaalku qarxay 1939kii, ee Hitlar uu Osteriya iyo Poland qabsaday, Yurub sas weyn baa ka dhacay. Ingiriis durba dagaal buu ku dhawaaqay, maxaa yeelay in aanu Hitlar deynayn waa ogaa.

Go’aanka dagaalka ee Landhan loo ga dhawaaqay waxa ku gawracnaa umadihii Boqortooyada UK ku hoos jiray; 500 oo malyuun ayaa ay tiradoodu waagaas gaadhaysay. Soomaalida ayaa dadkaas ku jirtay, rag Ingiriis u dagaalama ayaana Geeska Afrika la ga qaaday. Nin Hargeysa ka tegay oo Ugaas Taffe la odhan jiray ayaa ka mid ahaa. Isaga oo xaaskiisa la dardaarmaaya waxa uu tix ahaan u gu yidhi:

  • Muunida aroortaan Basray, moodhar korayaaye;
  • Marsada (dekedda) ayuu diyaar noo gu yahay, mayl guduudaniye.
  • Madaafiic wax laysiyo haddaan, muruq na loo sheegan;
  • Maruun baanu soo noqon haddaan, mawdku noo imanin!

Sidaas Ugaas Taffe oo kale, askartii Afrika ka tegay ee sheekadoodu inna soo gaadhay waxa ka mid ah qisada Kornayl Jonny Smythe. Jonny waxa uu dhashay 1915kii, isaga oo 81-jir ah baanu 1996kii dhintay. Waxa uu ka soo jeedaa waddanka Siiralyoon (Galbeedka Afrika), waxa uu u dagaalamay Boqortooyada UK. Waxa maxbuus ahaan u qabtay Jarmal, waxaana soo xoreeyay Ruush. Intaas oo gacmood iyo umadood buu isu maray. Sanad ka hor geeridiisii, ayuu wiilkiisa u ga warramay wixii uu soo maray.

Markii uu dagaalku qarxay, Jonny 24-jir buu ahaa. Sanad ka dib, isaga oo 25-jir ah buu ku biiray ciidanka circa ee Boqortooyada (Royal Air Force). Waagaas cunsuriyad aad u xooggan baa jirtay, nin madow in diyaaradaha loo dhiibaa na waa adkayd. Baarlamaanka UK baa markii dagaalku qarxay bil ka dib, soo saaray xeer fasaxaaya in cid kasta ololaha dagaalka loo qaato, oo ciidanka cirku na ku jiro. Jonny oo Siiralyoon la ga soo qaaday, Markab baa keenay Scotland. Doobkii Reer-Siiralyoon waxa loo carbiyay hagaha diyaaradaha duqeynta (Bomber Navigator), si miiggan baanu shaqadiisii u ga soo baxay. Maalmahaas nafwaaga laftooda cunsuriyaddu waa jirtay. Umadaha oo dhami cudurkaas jidhdiidka ah waa leeyihiin, Yurubiyan ku na waa ku daranyihiin.

Isaga oo ka warramaaya cunsuriyadda, Jonny waxa uu yidhi – aniga oo jooga meelaha la ga raaco tareenka dhulka hoostiisa ee Landhan midkood, (Piccadily Station) ayay gabadh ciidanka ka mid ahayd I salaantay, waxaanay la taagnayd nin cad. Gabadhii baan la hadlay, ninkii baa se xanaaqay. Aniga oo maqlaaya ayuu iyadii ku yidhi maxaad ninkan naygar ka ah (madow) ka la hadlaysaa. Intaas markii aan maqlay, waa is ka ga dhaqaaqay, laakiin ninkii igama hadhin. Halkaas shaadhka qoortiisa ayuu i soo qabtay aniga oo sii socda, anigu na waa ku soo jeedsaday oo feedh ku dhuftay, dhulka ayanu galay.

Subaxdii baan xerada imid, waxaanan ogaaday in uu ninku ahaa sarkaal sare oo Maraykan ah. Maalintii xigtayba taliska ayaa la ii ga yeedhay, waanan warwaray. Sarkaalkii xerada haystay baan hor fadhiistay. Waxa dhacay waa maqalnay, waanan ku raali gelinaynaa buu I gu yidhi. Aad baan u farxay, hawlahaygii baanan ku foofay, buu yidhi. Muddo yar ka dib, Johnny sarkaal buu noqday oo xidigo qaatay. Isaga oo qolkiisa dirayskii ku kaawiyadaysanaaya, ayaa ay askar ordaysaa u soo gashay. “Waad heshay ee soo kac”, ayaa ay ku yidhaahdeen, laakiin isagu ma garanayn waxa ay ka hadlayaan. Durba darajo ayaa la gu tolay. In uu miiska saraakiisha wax ku cuno, in uu askarta ka dhex baxo, in uu salaan qaatto, iwm, intuba la qabsi iyo barasho ayay u ga baahaatay.

Waagaas diyaaradaha wax duqeeyaa halis aad u weyn ayay wajahaayeen, nimanka diyaaradahaas saran cimrigoodu na celcelis ahaan shan ilaa todoba duulimaad ma dhaafi jirin. Maalin kasta wiilal dhalinyaro ah oo saacado ka hor aad shah wada cabayseen, amaba meel wada seexanayseen, ayaa warka geeridooda xerada la ga sheegi jiray, buu yidhi. Kuwo badani waxa ay ku dhiman jireen duulimaadka 1aad amaba kan 2aad. Jonny waxa uu duulay marar badan, waxna ma noqon. Markii 5aad, markii 10aad, markii 15aad, sii wad uun. Ciidanka nin madowi ku dhex jiro in aanay wax dhib ahi soo gaadhayn faham ah ayaa ku jiray wiilashii caddaanka ahaa. Jiritaanka khuraafaadkaas waa ogaa, waanan ka faaiidaystay oo ku maali jiray buu yidhi.

Si kastaba, 27 duulimaad oo halisahooda watta ka dib, duulimaadkii 28aad buu Jonny u baxay. Waa weerar balaadhnaa oo 18 November, 1943kii ay goor habeenimo ah boqolaal diyaaradood ku qaadeen magaalada Baarliin. Raxantii diyaaradaha ahayd ee ay ku dhex jireen bay gees u ga baxeen, diyaarad Jarmal baana soo beegsatay oo toogatay. Qarax weyn baa uu ka maqlay diyaaradda hoosteeda, waxaana ku xigay firidhkii gantaalka la gu soo riday oo meel kasta yaacaaya. Laba firidh baa midkood bawdada ka galay, kii kale na caloosha, sambabada ayaanu sigay. Diyaaraddii hal mishiin baa ka go’ay, waxaanay awoodi weyday in ay kor u baxdo.

Markii taasi dhacday buu diyaaraddii ka goostay. Qabowgii darnaa ee jiilaalka ayaa wejiga I ga leefay, aniga oo kaba l’a baanan baraf ku dul dhacay, buu yidhi. Baarashuudkii baa uu is ka furfuray, god baanu u qoday oo ku aasay. Iyada oo dhiigu ka da’aayo, oo meel uu u socdo na aanu aqoonin buu barafkii ku dul lugeeyay. Baaskeelad meel taalla ayaa uu arkay, waanu xaday. Muddo markii aan socday, buu yidhi, baan ku soo baxay bakhaar meel beer ah ku dhex yaalla, waanan galay. Halkaas baa uu xabad sigaar ah ku shitay. Wax yar ka dib, niman Jarmal ah oo qaylinaaya ayaa uu  maqlay, xabado ayaanay ku soo rideen meeshii uu ku jiray. Wuu garowsaday in la hayo, banaanka ayaanu u soo baxay isaga oo gacmaha taagaaya.

Nimankii I qabtay waa rumaysan waayeen indhahooda. Waaba doob  dheer oo xooggan, oo Afrikaan ah, ku na labisan dirayskii ciidamada circa ee Boqortooyada Midowday. “Adigana maxaa noo kaa keenay?” in ay leeyihiin baa indhahooda ka muuqatay, buu yidhi. Waxa kale oo ay aad u la yaabeen in nin madow ah diyaarad loo diray. Wax aan suurtagal ahayn ayay agtooda taasi ka qornayd. Durba wa la kaxeeyay maxbuuskii, xarun booliis oo aan halkaas ka fogayn baana la geeyay. Mid gaaban oo askartii ka mid ah baa maxbuuskii si xun dabada qorigiisa u gu dhuftay, waanu is ka tegay. Hadana mar kale ayuu soo noqday oo sidii oo kale sameeyay, aad na waa uu u xanuunjiyay. Waxa aan ku tashaday, buu yidhi, haddii uu mar saddexaad soo laabto in aan qoorta ka jebiyo, iyaku na ay bartaas i gu dilaan, ilayn koleyba waa I dili lahaayeene. Laakiin nasiib wanaag, ninkii maba soo noqon.

Maalin ka dib, waraysigii baa la gu bilaabay. Nin Jarmal ah, oo ku hadlaaya luqaddii gaarka ahayd ee uu Siralyoon ka la yimid baa loo geeyay, aad baanu u la yaabay. Si wacan ii gu warran, oo in aan meeshan dhakhso u ga tago I gu caawi buu yidhi. Magaciisa iyo lambarkii ciidanka ayaa uu u sheegay. Waxoogay hadal fiican ah ka dib, durba indho cadaawadeed iyo hadal cadaawadeed baa la gu bilaabay. Berito ayaad ogaan doontaa in la gu dilaayo iyo in kale; maxaa yeelay in aad dagaalka caddaanka soo dhex gasho ma ahayn. Sidaas buu yidhi ninkii Jarmal. “Idinka ayay taasi idiin taallaa”, ayaa uu Jonny na u celiyay.

Si kastaba, maxbuuskii waxa la geeyay jeel la gu magacaabo Stalag Luft 1, oo dhinaca xeebta Waqooyi ee Jarmal ku yaalla, waxaanu khaas u ahaa maxaabiista ciidamada circa ee Maraykan iyo Ingiriis la ga qabto. sagaal kun oo Meesha ku sii jiray baa ninkii Jonny ahaa la gu daray. Jeel aad loo ilaaliyo ayuu ahaa, koleyba se isaga fursad baxsasho u ma furnayn. Nin madow ahi bulsho caddaan ah sinaba u gu ma dhex dhuuman karayn xiligan colaadeed, sidaas baanu meeshiisii dhab u gu aqbalay. Maxaabiista cadaadis badan baa la saari jiray, isagu se dhib gooni ah la ma kulmin. Waxa aan arkay, buu Jonny yidhi, maxbuus deyrka jeelka u soo dhawaaday oo la toogtay. Waxa aan arkay Yuhuud maxaabiista ka mid ahayd oo la laynaayo, had iyo jeer na waa na loo hanjebi jiray, buu yidhi. Ku dhawaad laba sanno ka dib, subax keliya oo ku beegnayd 1 May, 1945kii, waxa ay arkeen is beddel aan sinaba caadi u ahayn. Askartii ilaalada ahayd ma joogto, albaabadii jeelku na waa wada furanyihiin. Waa garanay, buu yidhi, in dagaalkii dhamaaday. Durba ciidankii Soofiyeedka ee Ruushku hor kacaayay baa jeelkii yimid, maxaabiistii na cunto siiyay. Maalmo ka dib ba waxa bilaabmay daadgurayntii, England baanu markiiba ku soo noqday doobkii reer Afrika.

Dagaalkii ka dib, Jonny waa ka tegay ciidanka, waxaanu bartay qaanuunka. Ka dib, wadankiisii Siiralyoon buu ku laabtay, waxaanu 1960nadii noqday Garyaqanka Guud ee dalka. Dhacdo tacajabkeeda leh, Jonny waxa uu yidhi maalin baa la i gu marti qaaday munaasabad ka dahcaysay guriga Danjiraha UK ee Freetown joogay, marar badan baanay taas oo kale dhici jirtay.

Dadkii munaasabaddaas ka soo qayb galay waxa ka mid ahaa Danjirihii Jarmal, si gaar ah baanay labadoodu u sheekaysteen. Danjiraha laftiisu duuliye ka tirsan Ciidankii Cirka ee Jarmal (Luftwaffe) baa uu ahaan jiray. Waayihii iyo wacdarihii dagaalka ayaa la falanqeeyay, Jonny baana sheegay in 18 November, 1943kii Barliin dusheeda la gu soo riday, laba sanno ku dhawaad na uu jeel ku jiray. Goobtii iyo goortii dhacdada markii uu maqlay, ninkii Danjiraha ahaa indhaha ayuu aad u ka la furay oo Jonny xoog u soo fiiriyay. Danjirihii Waxa uu sheegay in uu habeenkaas laftiisa dagaalka ku jiray, soo na riday diyaarad Ingiriisku lahaa. Nimankii 20 sanno hortood hawada Baarliin ku dagaalamaayay, ayaa mar kale qaddarku ku kulmiyay Galbeedka Afrika iyaka oo nabad ah. Saaxiibbo is ku dhow ayaa ay noqdeen intaas ka dib, dagaalkii na sheeko uun baa ka hadhay.

Al muhim, Yurub saxariirkii dagaalka waa ka heshiisay, waana markii u horaysay ee inta taariikhda la hayo aanu sideetan sanno oo is xiga Yurub dagaal balaadhani ka dhicin.

 Si kasta oo la isu dilay, waxa uu xal ku soo ururay in la is nabad geliyo, la na wada ganacsado. Yurub dagaalkii ka dib xoog bay u dhisantay oo u baahdaadhay, badhaahdhahooda na waxa ka mid ah xoolo iyo xoog dad kale la ga soo dahcay. Laakiin dabciga aadmiga marka la eego, qofkii aan wixiisa difaacan karayn in la dhaco waxa ka yaalla xeer aan qornayn. Aadmigu in uu diriro oo dhiigiisa qubo waa qayb ka mid ah dabcigiisa, mana joojin karo. Siddeetan sanno oo badiyaa nabad ahaa, manta waxa la ga warwarsanyahay jihada ay wax u socdaan. UN oo ah midhihii dagaalka ka dhashay, ujeedadeeda u weyni na ahayd ilaalinta nabadda, waxa muuqata in  ay waajibkaas ku fashilantay. Xaalka Falastiin iyo xaalka Yukrayn midkoodna waxba waa ka qaban kari wayday, waxayna u egtahay in ay iyaduna marayso dariiqii ay martay hay’addii iyada ka horaysay ee League of Nations. Intaas ka dib maxaa xigi? Dabcan, wakhtiga ayaa ka jawaabi.

Oh hi there 👋
It’s nice to meet you.

Did you like our news articles. Sign Up to be notified as soon we have new interesting stories.

Check your inbox or spam folder to confirm your subscription to KF MEDIA TV.

ShareTweet
Previous Post

Caqabadaha Akhriska | ibraahim Waaberi | Q2aad

kfmedia

kfmedia

Related Posts

Caqabadaha Akhriska | ibraahim Waaberi | Q2aad
NEWS

Caqabadaha Akhriska | ibraahim Waaberi | Q2aad

by kfmedia
May 10, 2025
6
Maxaa u qabsoomay Somaliland 34 sano oo ay dib ula soo noqotay Madax-bannaanideeda?
NEWS

Maxaa u qabsoomay Somaliland 34 sano oo ay dib ula soo noqotay Madax-bannaanideeda?

by kfmedia
May 9, 2025
2
Arday soo bandhigay Qadiyadooda Somalilander-nimo.
GEEDDIGA GUUSHA

Arday soo bandhigay Qadiyadooda Somalilander-nimo.

by kfmedia
May 9, 2025
0
Safarkaygii Jaziiradda Mauritius iyo Waxyaabihii ugu yaabka badnaa. By Khaalid Foodhaadhi
NEWS

Safarkaygii Jaziiradda Mauritius iyo Waxyaabihii ugu yaabka badnaa. By Khaalid Foodhaadhi

by kfmedia
May 8, 2025
3
“Markay Dawladi ku xidho cid ku xidhay garanmeysid” Fanaan Qamar Suugaani oo ka hadlay Arimo badan. By; Khaalid Foodhaadhi
NEWS

“Markay Dawladi ku xidho cid ku xidhay garanmeysid” Fanaan Qamar Suugaani oo ka hadlay Arimo badan. By; Khaalid Foodhaadhi

by kfmedia
May 8, 2025
2

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

  • Trending
  • Comments
  • Latest
DEG-DEG: Maxkamadda sare oo Amar ku bixisay in Xabsiga laga sii daayo Xildhibaan Maxamed Abiib

DEG-DEG: Maxkamadda sare oo Amar ku bixisay in Xabsiga laga sii daayo Xildhibaan Maxamed Abiib

September 30, 2024
DEG-DEG: Maxkamadda sare oo Amar ku bixisay in Xabsiga laga sii daayo Xildhibaan Maxamed Abiib

Waa maxay sababta loo sii daayey xildhibaan Maxamed Abiib? 

September 30, 2024
Jabuuti oo war kasoo saartay xaaladda Madaxweyne GEELLE

Jabuuti oo war kasoo saartay xaaladda Madaxweyne GEELLE

September 30, 2024
Kulan maanta ka dhacay Madaxtooyada Somaliland iyo arimaha lagaga wada hadlay.

Kulan maanta ka dhacay Madaxtooyada Somaliland iyo arimaha lagaga wada hadlay.

September 30, 2024
Sarkaal sare oo iska casilay xisbiga KULMIYE

Sarkaal sare oo iska casilay xisbiga KULMIYE

0
Jabuuti oo war kasoo saartay xaaladda Madaxweyne GEELLE

Jabuuti oo war kasoo saartay xaaladda Madaxweyne GEELLE

0
DEG-DEG: Maxkamadda sare oo Amar ku bixisay in Xabsiga laga sii daayo Xildhibaan Maxamed Abiib

DEG-DEG: Maxkamadda sare oo Amar ku bixisay in Xabsiga laga sii daayo Xildhibaan Maxamed Abiib

0
Doorashadan maxay kaga duwan tahay Doorashoooyinkii hore, maxaa se cusub?

Doorashadan maxay kaga duwan tahay Doorashoooyinkii hore, maxaa se cusub?

0
Dabshidkii Dagalka: Qisada Kornayl J. Smythe – 1915-1996 W.Q: Maxamed Haaruun Biixi

Dabshidkii Dagalka: Qisada Kornayl J. Smythe – 1915-1996 W.Q: Maxamed Haaruun Biixi

May 12, 2025
Caqabadaha Akhriska | ibraahim Waaberi | Q2aad

Caqabadaha Akhriska | ibraahim Waaberi | Q2aad

May 10, 2025
Maxaa u qabsoomay Somaliland 34 sano oo ay dib ula soo noqotay Madax-bannaanideeda?

Maxaa u qabsoomay Somaliland 34 sano oo ay dib ula soo noqotay Madax-bannaanideeda?

May 9, 2025
Arday soo bandhigay Qadiyadooda Somalilander-nimo.

Arday soo bandhigay Qadiyadooda Somalilander-nimo.

May 9, 2025

Recent News

Dabshidkii Dagalka: Qisada Kornayl J. Smythe – 1915-1996 W.Q: Maxamed Haaruun Biixi

Dabshidkii Dagalka: Qisada Kornayl J. Smythe – 1915-1996 W.Q: Maxamed Haaruun Biixi

May 12, 2025
3
Caqabadaha Akhriska | ibraahim Waaberi | Q2aad

Caqabadaha Akhriska | ibraahim Waaberi | Q2aad

May 10, 2025
6
Maxaa u qabsoomay Somaliland 34 sano oo ay dib ula soo noqotay Madax-bannaanideeda?

Maxaa u qabsoomay Somaliland 34 sano oo ay dib ula soo noqotay Madax-bannaanideeda?

May 9, 2025
2
Arday soo bandhigay Qadiyadooda Somalilander-nimo.

Arday soo bandhigay Qadiyadooda Somalilander-nimo.

May 9, 2025
0
KF MEDIA TV

Browse by Category

  • GEEDDIGA GUUSHA
  • ISLAAMKA
  • NEWS
  • NEWS
  • TAARIIKH
  • Uncategorized
  • WAREYSIYO

Recent News

Dabshidkii Dagalka: Qisada Kornayl J. Smythe – 1915-1996 W.Q: Maxamed Haaruun Biixi

Dabshidkii Dagalka: Qisada Kornayl J. Smythe – 1915-1996 W.Q: Maxamed Haaruun Biixi

May 12, 2025
Caqabadaha Akhriska | ibraahim Waaberi | Q2aad

Caqabadaha Akhriska | ibraahim Waaberi | Q2aad

May 10, 2025
  • Privacy & Policy
  • Contact

© 2024 KF MEDIA TV.
DESIGNED BY KULMI DIGITAL

Welcome Back!

OR

Login to your account below

Forgotten Password? Sign Up

Create New Account!

OR

Fill the forms bellow to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In

Add New Playlist

No Result
View All Result
  • Live KF Media
  • Home
    • Sports
    • Explore More
  • NEWS
  • WAREYSIYO
  • ISLAAMKA
  • TAARIIKH
  • GEEDDIGA GUUSHA
  • More
    • Ciyaaraha
  • Login
  • Sign Up

© 2024 KF MEDIA TV.
DESIGNED BY KULMI DIGITAL

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.