Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo Safiirka Faransiiska u fadhiya Dalka Kenya, Amb. Arnaud Suquet.
Waxa ay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Faransiiska, sidoo kale waxa lagu lafo-guray kulanka taageerada Dawladda Faransiiska ee mashaariicda dhinacyada horumarinta Caafimaadka, ilaalinta Goobaha Taariikhiga ah, Dhaqanka iyo horumarinta Xoolaha.
Sidoo kale, waxa kulanka lagu gorfeeyey arrimaha doorashooyinka Somaliland ee kaabiga saaran, nabadgelyada iyo amniga mandaqadda Gobolka Geeska Afrika, waxa aanay Jamhuuriyadda Somaliland u caddaysay inay diyaar u tahay inay deriskeeda kula noolaato horumar iyo wax wada-qabsi.